Waa buug uu qoray qoraa Maraykan ah oo lagu magacaabo Jackson Brown. Buuggan waxa uu u qalin qaatay markii uu ku baraarugay wiilkiisii yaraa ee Aadam in uu koray oo nin dhalinyaro ah uu noqday, sidoo kalena toddobaaddo gudahooda uu u sadcaali doono jaamacad ku taalla deegaan fog. Waxa uu ka fakaray in
Aadam markii ugu horraysay isaga oo labadiisa waalid ka dheer uu la baaxaa degi doono xaaladaha nolosha ee kala geddisan. ”Goblan talo adduunyooy, ilaa maalinkii uu dhashay aniga ayaa daryeelayay oo halisaha ka dhawraayay, kolka uu xanuusado aniga ayaa baxnaaninayay, aniga ayaa dharka u soo iibinayay oo kabaha u gelinayay, mar walba isha ayaan ku hayay aniga oo u baqaya.
Ma hadda ayuu iga dhaqaaqayaa oo keligii ay nolosha is mudanayaan? Habeenkaa Jackson il iyo baal isuma uu keenin, dhawr jeer markii uu furaashka isku dul rogrogay ayuu go’aan ku gaadhay in uu dabaqa sare ka soo dego oo kijada uu tago, waxa uu soo qaatay qalin iyo dhawr warqadood oo cad cad, waxa uuna guda galay in uu qoro talooyin iyo tusaalayaal uu wiilkiisa ugu hoga-tusaalaynayo. Waxa uu ku bilaabay: ka digtoonow, ha samayn, iska ilaali, ha hilmaamin. Dhanbaaladii koobnaa waxa ay noqdeen tobannaan warqadood, markii uu dib u akhriyay talooyinkii uu wiilkiisa u qorayna wuu la dhacay, ka dib waxa uu la wadaagay dad xigtadiisa kamid ah iyo saaxiibbadii oo iyaguna dhankooda aad ula dhacay talooyinka wax ku oolka ah ee Jackson uu qoray, dabadeed dhiirrigelintaa markii uu helay ayuu sii waday dhamaystirka talooyinka, in muddo ah marka la joogaba waxa uu u diri jiray Aadam oo jaamacadda ku jira. Habeenkaa uu Jackson isla laba rogayay fogaanshiyaha wiilkiisa, waxa uu u malaynayay in uu qori doono saddex warqadood oo dulucda ay xanbaarsan yihiin ay tahay dhawr talo iyo tusaale, balse talooyinkii waxa ay gaadheen 1530 oo isugu jira talo, dardaaran iyo hoga-tusaalayn.
Natiijadiina waxa ay noqotay in loo rogay dhigane ka mid noqday dhiganayaasha loogu iibsiga badan yahay adduunka oo idil, waxaana loo tarjumay ilaa 28 af oo kala duwan, afkeena hooyana waxa uu noqonayaa afkii 29aad ee loo tarjumo.
Sci-Fi
Talooyinka Nolosha
Original price was: $13.00.$10.00Current price is: $10.00.
It is a book written by an American author named Jackson Brown. He wrote this book when he realized that his young son, Adam, has grown up and become a young man, and that in a few weeks, he will be leaving for a university in a distant area. He thought that
For the first time
Adam will live with his two older parents in different living conditions. "Goblan is a wise man, since
the day he was born I took care of him and kept him safe from danger. When he got sick, I was rehabilitating him.
I bought him clothes and put shoes on him. I always kept an eye on him because I was afraid of him.
Reviews
There are no reviews yet.